Xildhibaano kasoo cararay magaalada Kismaayo oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Jubbaland oo isaga soo cararay magaalada Kismaayo, kadib handadaad ay kala kulmeen Hogaanka maamulka Jubbaland.

Xildhibaanadan soo gaaray magaalada Muqdisho oo gaaraya ilaa afar Xildhibaan ayaa qaarkood sheegeen in noloshooda kala soo baxsadeen magaalada Kismaayo halka kuwa kalana sheegeen in Kismaayo laga soo musaafuriyay.

Waxa ay Xildhibaanadan ku eedeeyeen Madaxweynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe in handadaad ku hayo Xildhibaanada iyo dadka kale ee kasoo horjeesta hab maamulkiisa.

Xildhibaan Khadiijo Aadan Cabdi oo katirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in cabsi darteed uga soo baxsatay Kismaayo, waxa ayna sheegtay in caburin lagu hayo Xildhibaanada mar kastana loogu hanjabo in la dhibaateenayo.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan Xildhibaano mucaaraday Siyaasada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kasoo musaafuriyay magaalada Kismaayo halka kuwa kalana la xiray lagana qaaday xasaanadii Xildhibaanimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -