Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DAAWO TOOS: Munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha cusub ee dowladda Somalia

Madaxweynihii xilka ka dagaya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la filayaa in uu xafiiska baneeyo talada dalkana ku wareejiyo Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxwaynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xilka ku guuleystay 15-ka bishan kadib Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyooni isagoo la wareegayaa xilka Madaxwaynaha Soomaaliya 8 maalin kadib Doorashadii uu ku soo baxay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta xilka ku wareejinayo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalka Madaxweyne ka ahaa Shan sanno iyo dheeraad.

Qabanqabaadii u dambeysay Munaasabada xil wareejinta ayaa socota Villa Somalia, waxaana Madaxweyne Xassan Shiikh u bilaabaneysa 4 sanno oo uu dalka Madaxweyne ka ahaan doono isagoo noqday madaxweynihii ugu horeeyey Somalia ee labo jeer xilka loo doorto.

HOOS KA DAAWO SI TOOS AH MUNAASABADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Arrin Murugo leh oo ka dhacday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Marxuum Sacad Cumar Geelle oo Jabuuti lagu aasay & Muuse Biixi oo ka qey galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---