Somaliland oo xukuno xabsi & ganaax ah ku riday Coldoon iyo weriyeyaal kale

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah weriye iyo shakhsi caan ka ah baraha bulshada ayaa lagu xukumay 2 sano oo xarig ah.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta Maxkamadda Racfaan Hargeysa ku xukuntay laba sanadood oo xarig ah iyo saddex milyan oo shilinka Somaliland oo ganaax ah.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa horet wax dambi ugu wayday Coldoon oo muddo ku jirey xabsiga isaga oo aanan la xukumin.

Booliska Somaliland ayaa Cabdimaallik xabsiga u taxaabay bishii Agoosto ee sanadkii hore kadib markii lagu eedeeyay inuu u ololeynayay in la xiro xarumaha madadaalada iyo dhaqanka iyo dugsiyada wadamada shisheeye laga maalgeliyo ee Somaliland ku yaalla gaar ahaan dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda la xiriirta  ee Barwaaqo, isagoo ku eedeynaya in goobahaas ardayda lagu baro waxyaabo khilaafsan diinta Islaamka.

Sidoo kale, Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay wariyeyaasha kala ah Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif, waxaana lagu eedeeyey ragga la xukumay baahinta warar been abuur ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -