Arrin Murugo leh oo ka dhacday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho

Dhacdo yaab leh ayaa ka dhacday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqisho ka dib markii hooyo umushay ay isbitaalka uga tagtay ilmho ay dhashay.

Hooyadan oo magaceeda lagu sheegay Xamdi Xasan Macalin ayaa wiil ay ku dhashay Isbitaalka Wardi ee degmada Xamar Jajab kaga dhex tagtay Isbitaalka, sida dhaqaatiirta ay sheegeen.

Wiilkan yar ayaa lagu xanaaneynayaa qeybta caruurta ee isbitaalka, waxaana wiilkan loo bixiyay Maxamed.

Dr. Maxamed Aadan oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka ayaa sheegay markii hooyada ay dhashay ubadkeeda, gargaar deg deg ahna loo sameeyay in canugeeda yar ay xilli saq dhexe ah isbitaalka kaga dhuumatay.

Maamo Xaawo oo ka mid ah hawlwadeenada Isbitaalka Wardi ayaa sheegtay inay kafaalo qaadeyso nolosha wiilkaasi yar ee Hooyadiis Isbitaalka kaga dhuumatay.

Lama oga illaa hadda sababta wiilkan yar oo dhalan wax ka yar saddex maalmood ay kaga tagtay hooyadiisa, dhacdooyinka noocan ahna kuma cusba isbitaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -