Marxuum Sacad Cumar Geelle oo Jabuuti lagu aasay & Muuse Biixi oo ka qey galay (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo dalka Jabuuti loogu sameeyey maareeyihii dekedda Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo toddobaadkan geeriyooday.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle walaalkii.

Muuse Biixi Cabdi iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno uu hormood u yahay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, Wasiirro iyo ganacsato, ayaa subaxii hore ee saaka ka ambabaxay gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport iyagoo la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ugu tacsiyadeeyeen geerida ku timid walaalkii.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga, ayaa sidoo kale ka qayb-galay Salaad Janaaso ah oo marxuumka lagaga tukaday mid kamid ah Masaajidada magaalada Jabuuti, ka hor intii aanay Madaxweynaha Jabuuti kala qayb-gelin Aas ballaaran oo marxuum Sacad Cumar Geelle isla magaaladaas loogu sameeyey.

Wufuud caalami ah oo ka kala socotay dalalka dunida ayaa sidoo kale jinaasada kala soo qayb-galay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa isla galabta ku laabtay Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen socdaalkooda ay kaga qayb-galeen Aaskaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -