Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyaha Ururka TPLF oo fariin usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Hoggaamiyaha Ururka TPLF Debretsion Gebremichael, ayaa fariin hambalayo ah usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kusoo baxay doorasho ka dhacday Muqdisho.

Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kalsooni ku qabaan isla markaana ay diyaar u yihiin in ay la yeeshaan iskaashi dhanka amniga gobolka ah .

Ururka TPLF ayaa dagaal kula jira xukuumadda federaalka Itoobiya uu hoggaamiyo Abiy Axmed, waxaana TPLF horey saameyn badan ugu laheed siyaasadda Soomaaliya kahor inta uusan xilka la wareegin Ra’isul Wasaare Abiy.

Hambalyada TPLF usoo dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xilli dhambaal kaas lamid ah uu Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed isna usoo diray Madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo ka jawaabtay Wararka sheegaya in ay gabaad siiso kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Ugaas Caan ah iyo nin ilaalo u ahaa oo lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino laga helayo

Cabdi Cade

Dhaawac lama filaan ah oo gaaray Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---