Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Aadan Madoobe oo kulan yeeshay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku booqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu tagay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya salaan iyo hambalyo, waxa ayna labada masuul ee dalka ugu sareeya sallaan iyo is xogwareysi kadib kawada hadleen arrimo dhoor ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha gollaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kawada hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in si degdeg ah ula wareego xafiiska Villa Soomaaliya, waxaana la filayaa in la magacaabo guddi lala matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo ka shaqeenaya munaasabadda xil wareejinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Talyaaniga oo soo faragalisay Khilaaf ka taagan Safaaradda Soomaaliya ee Roma

Cabdi Cade

Waa Maxay isbedelka uu Wasiir Beyle sheegay in lagu sameeyey sharciga Iibka Qaranka?

Caydiid Ali

(Akhriso) Xiliga la dooranayo Fahad Yaasiin iyo Xildhibaano kale oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---