Dhaawac lama filaan ah oo gaaray Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden ayaa la sheegay inuu ka murgacday lugta xilli uu la ciyaarayey mid ka mid ah eydiisa.

Biden ayaa lagu soo warramayaa inay u baxday lugta oo uu dhulka ku dhacay xilli uu la ciyaarayay eyda uu dhaqdo.

Dhaktarkiisa gaark ah Kevin O’Connor, ayaa sheegay in raajo hordhac ah oo laga qaaday Biden aysan muujinin dhibaato weyn, iyadoo baaritaan kale oo la sameeyey ayaa lagu xaqiijijyey in laba laf oo yaryar ay ka jabeen bartamaha cagtiisa midig.

Madaxweyne Donald Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa Joe Biden rajeeyey Caafimaad deg-deg ah.

Mr Biden oo horraantii bishan noqday 78-jir ah, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da waynaa ee xilka ugu sarreeya dalkaas loo doorto, isagoo xafiiska la wareegi doona 20-ka bisha Janaayo ee sanadka soo aaddan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

 

- Advertisement -