Allbanaadir.com
NEWS

Shir Xasaasi ah oo looga hadlayay Amniga doorashaada oo goordhaw ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxay maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gollaha shacabka Sheekg Aadan Madoobe ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in beri oo axad ah ka dhacdo teendhada Afisiyooni, waxaana socota qaban qaabadii ugu dambeesay ee qabsoomida doorashada.

Related posts

Milateriga Ruushka oo lagu eedeeyey iney shacab ku laayeen Magaalada Lviv (Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo amaro la xiriira cudurka COVID-19 ku soo rogtay Masaajidada Kismaayo

Caydiid Ali

Wadahadaladii Ra’iisal wasaare Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlu Suna oo wali socdo iyo dagaal dhacay

admin