Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo Baledweyn kula shiray Wakiillo ka socday Q/M (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay u qaabilsan FOA, WFP, UN-OCHA, UNSOS iyo UNSOM ee Jooga Beledweyne,

Madaxweynaha ayaa Wakiilada warbixin ka siiyay baaxadda xaaladda fatahaada ee ka jirta Magaalada Beledweyne iyo saameynta daran ee ay bulshada ku yeesheen xili dadkii deganaa Magaalada ay inta badan ka barakeen guryahoodi qaar kale oo wali ku go’doonsan gudaha Magaaladana laga soo daad guraynayo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobe in gargaar deg deg ah oo isugu jira cunno, biyo, hooy iyo dawooyin lasoo gaaraan dadka guryahooda kasoo barakacay ee daadsan bariga iyo galbeedka Magaalada Beledweyne.

Magaalada Baledweyn xaafado katirsan ayaa waxa aku fatahay wabiga Shabelle, waxaana ku barakacay inta badan dadkii deganaa magaaladaasi, kuwaa oo xaalado adag ku heestaan duleedka magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan oo goordhaw shaaca ka qaaday in uu…

Cabdi Cade

Dad ka badan hal Bilyan qof oo maanta lagu qasbay in gurhahooda joogaan !!

Cabdi Cade

Xuutiyiinta Yemen oo gantaal la helay mid ka mid ah maraakiibta Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---