Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday Badri Cabdiraxmaan oo lagu helay…

Msxkamadda ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin, oo lagu helay in dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed ,dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay 21 kii November ee sanadkii 2023.

Baaris dheer dabadeed xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga ogolaaday tobankii bishii February ee sannadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Related posts

Labo qof oo goor dhow lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo soo gebagebeeyey booqashadii Garoowe (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---