Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiin Madaxweyne oo ka hartay Doorashada iyo kuwa kale oo iyana tanaasulaya

Musharaxiin u taagnaa qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee beri la dooranayo ayaa cadeeyay in ay isaga hareen doorashada, halka la filayo in saacadaha soo socda ilaa beri iyana doorashada isaga haraan musharaxiin kale.

Labo musharax oo kala ah Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdulle oo isku beel ah ayaa ilaa hada cadeeyay in doorashada ka hareen una tanaasuleen musharax kale oo ay isku beel yihiin.

Waxaa iyana la filayaa kahor doorashada iyo marka ay bilaabato ay tanaasulaan musharaxiin kale , kuwaa oo markii horaba ogaa in aan la dooran doonin balse ujeedkoodu ahaa in taariikhda u gasho in musharax Madaxweyne noqdeen.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa si adag ugu loolami doona musharaxiin aan ka badneen ilaa 10-kuwaa oo qaba kalsooni badan ay aaminsan yihiin in ay ku heli karaan codad badan.

Loolanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo sannadkan ah mid adag ayaa waxaa musharaxiinta ku tartamaya wadaan ololihii ugu dambeeyay, waxaana musharaxiinta qaar si hoose u sameesteen isbaheysiyo halka kuwa kalana shirar u socdaan.

Dadka ugu cad cad ee doorashada loo saadaalinayo ayaa waxaa kamid ah Ra’isul Wasaarihi hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Farmaajo iyo labo Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada xasilinta oo saaka ka guuray qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Ilhan Cumar oo soo saartay Warbixin aysan ku farxin Xukuumada Abiy Axmed

Cabdi Cade

Dowlada oo War kasoo saartay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade