Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada oo codsi u diray Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal ay goordhaw soo saareen waxa ay uga codsadeen musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha in ay soo gudbiyaan xubnaha codadka u tirinaya.

Qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in musharaxiinta laga doonayo in ugu dambeyn 12:30am (duhurnimo) ee maanta soo gudbiyaan xubnaha codadka u tirinaya musharaxiinta.

”Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka, musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in beri oo axad ah ka dhacdo teendhada Afisiyooni, waxaana doorashada isku diiwaangeliyay oo ku loolamaya ilaa 39-musharax ay ku jiraan kuwa aad u saameyn badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen

Cabdi Cade

Ganacsatada iyo dadka kale ee dekadda iyo garoonka Muqdidho wax kala soo dega oo lagu xiray in ay…

Cabdi Cade

Doon siday agab ciidan iyo raggii la socday oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---