Aqalka Sare oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha (Magacyada)

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa iska dhax doortay lix xubnood oo guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ku matali doona .

Kulanka Xildhibaanada Aqalka Sare maanta yeesheen uu guddoominayay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ajandaha kulanka ahaa magacaabista guddiga doorashada Madaxweynaha ku matali doona xildhibaanada Aqalka Sare.

Xubnahan guddiga doorashada ku matalaya Aqalka Sare ayaa lagu soo xulay qaab dowlad goboleed, waxaana la filayaa in xubnahan ku biiraan 10-xubnood oo iyana iska soo shax dooran doonaan xildhibaanada gollaha shacabka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -