Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo Magacaabay 8-xubnood oo katirsan Guddiga Doorashada (Magacyada)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha ayaa magacaabay sideed xubnood oo kamid noqonaya guddiga doorashada Madaxweynaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale laga sugayaa in uu soo magacaabo saddex xubnood kale oo kamid noqonaya guddiga doorashada oo ka kooban 17-xubnood oo lix kamid ah ka imaanayaan Aqalka Sare.

Guddiga doorashada ee labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa diyaarin doona sidoo kale maamuli doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in isbuucyada soo aadan ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Halkan ka Akhriso Magacyada sideeda xubnood uu Magacaabay Aadan Madoobe

Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed
Xildhibaan Cali Xaaji Daahir
Xildhibaan Nuur Mustaf mukhtaar
Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey
Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu
Xildhibaan Maxamed Caananuug
Xildhibaan Cumar yuusuf
Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Gantaalo ka yimid Siiriya oo ku dhacay Israaiil & xiisada Bariga dhexe oo..

Caydiid Ali

Al Shabaab oo laga cabsi qabo in Door weyn ku yeeshaan Doorashada soo socota

Cabdi Cade

Wadahadaladii Ra’iisal wasaare Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlu Suna oo wali socdo iyo dagaal dhacay

admin
Taboola Ads ---