Kulankii Gollaha shacabka oo furmay iyo Aadan Madoobe oo ka hadlay Xildhibaanada Gedo (Sawirro)

Waxaa goordhaw xarunta Villa Hargeysa ka furmay kulanka xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya , kulankan ayaana ajandaha maanta looga hadlayo yahay magacaabista guddiga doorashada Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa furay kulankan ay soo xaadireen 157-xildhibaan, waxaana xildhibaanada ansixiyeen ajandaha kulanka xulista guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Xildhibaanada u taalo shaqo adag oo ah doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la doonayo in si degdeg ah u qabsoonto .

Gudoomiyaha ayaa xildhibaannada ka codsaday inay 10 xubnood ay iska dhex doortaan ‘si waafaqsan nidaam dheelli tiran, waxa uuna xusay in lix xubnood oo ku saleysan metelaadda maamul goboleeyada ay sidoo kale uga imaan doonaan dhinaca Aqalka Sare .

Dhinaca kale guddoomiyaha gollaha shacabka ayaa sheekhay in xal deg deg ah laga gaari doono khilaafka ka taagan xildhibaanada lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe in maanta kaddib aysan u dulqaadan doonin in xarunta yimaadaan 32-Xildhibaan, waxa uuna cadeeyay in go’aan kama dambeys ah ka gaari doonaan xildhibaanadan waxii maanta ka dambeeya.

Kulankii maanta ee gollaha shacabka ayaa mar kale waxaa soo xaadiray xildhibaanada iska soo horjeeda ee lagu soo kala doortay Ceel-Waaq iyo Gedo, kuwaa oo kulanka furitaankiisa buuq ka abuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -