Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo kulan xasaasi ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan xasaasi ah oo looga arinsanayay sidii ay u qabsoomi lahaayeen kulamada Baarlamaanka oo habacsanaan ku bilowdeen kalfadhiga 5-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa gudoomiyay kulanka ay yeesheen Guddiga joogtada, waxaana kulanka diirada lagu saaray sidii loo der dergalin lahaa kulamada oo socda ee golaha shacabka.

Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Buux ayaa sheegay in kulanka Guddiga joogtada looga dooday ajandayaaha kulamada soo socda ee golaha shacabka iyo sidii fadhiyada Baarlamaanka u qabsoomi lahaayeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay  Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka in laga dooday waqtiga fadhiyada iyo sida laga yeelayo Xildhibaanada caadada ka dhigtay in aysan kasoo qeyb galin kulamada Baarlamaanka.

Labadii kulan ee ugu horeeyay ee kalfadhiga 5-aad ee golaha shacabka ayaa baaqday , waxaana shaki la galinayaa qabsoomida kulamada kale ee soo socda iyo ajandayaasha looga doodi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -