Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Muqdisho lagula beegsaday Sarkaal milateri iyo khasaare ka dhashay

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday gaari uu la socday sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay uu haleelay qeybo ka mid ah gaariga sarkaalka.

Gen. Maxamed Xaashi Guuleed oo ka mid ah Saraakiisha Militirga Soomaaliya oo la socday gaariga ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray qaraxaas.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa la soo sheegayaa iney ku naf waayeen qaraxaas oo dhacay wax yar ka dib markii gaariga uu la socday taliyaha uu ka soo baxay xerada Villa Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019 (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar goordhaw lagu qaaday Xarun Hay’ada Save The Children leedahay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shaqaale ku howlanaa dhismaha derbiga xadka Somalia iyo Kenya oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---