Shaqaale ku howlanaa dhismaha derbiga xadka Somalia iyo Kenya oo qarax lagu dilay

Ugu yaraan 3 nin ayaa ku dhintay qarax ka dhacay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Qaraxan ayaa yimid ka dib markii gaari ay wateen qaar ka mid ah shaqaalaha ka howl-gala darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya uu dul maray Miino loogu aasay dhulka.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Mandheera Paul Kemei ayaa sheegay in dadka qaraxan wax ku noqday ay ahaayeen shaqaale nadiifinayay wado ku dhow xadka labada dal.

Waxaa uu intaa raaciyay in qaraxan uu ahaa mid meesha lagu sii diyaariyay ayna uga shakisan yihiin inay ka dambeeysay Al-Shabaab.

Mr. Kemei ayaa sheegay ragga lagu dilay qaraxa aysan la socon wax ilaalo ah ayna baarayaan sababta shaqaalahan ay u socdeen iyagoo aan ilaalo wadan.

Al-shabaab ayaa looga bartay iney had iyo jeer weeraro ka geystaan gobolka woqooyi bari Kenya gaar ahaan degaanada ku dhow xadka Somalia iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -