Kenya oo dhaqan gelineysa sharci cusub oo ka farxiyey Qaxootiga dalkaas ku nool

Kumanaan qaxooti ah oo ku nool dalka Kenya ayaa raja wanaagsan ka qaba inuu hirgalo sharci uu dhowaan saxiixay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kaasoo fursado badan siinaya qaxootiga.

Sharcigan ayaa qaxootiga u ogalaanaya inay si xor ah ugu dhex safraan gobolada kala duwan ee Kenya, sidoo kalena ka shaqaysan karaan dalka gudihiisa.

Ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee Bariga Africa, Ambassador Maxamed Cabdi Afeey, ayaa sheegay in waxa kaliya ee ay dowladda Kenya ka sugayaan uu yahay sidii loo dhaqan gellin lahaa go’aankaasi.

Kenya waxaa ku nool kumanaan qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Koonfurta Sudan, kuwaasoo ku jira xeryo magaaalooyinka ka baxsan oo leh adeegyo aad u liita.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -