Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019 (Daawo Sawirro)

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa isugu yimid fadhi looga hadlay hal ajende oo ahaa Warbixinta iyo ka doodista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka shir gudoominayay uu sheegay in kalfadhigan geba-gebada maraya uu wax badan qabtay islamarkaana uu ansixiyay afar hindise sharciyeed,wuxuuna Xildhibaanada ka codsaday in Miisaaniyada ansixiyaan maadaamaa ay dalka muhiim u tahay.

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa golaha u aqriyay warbixin hour dhac ah oo ku saabsan odoroska miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka.

Kulanka oo  uu sidoo kale ka qeyb galay guddoomiye k-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka aragtiyadooda ka dhiibtay Warbixinta uu guddiga soo gudbiyay, iyagoo qaarkood su’aalo miisaaniyada ku saabsan weydiinayay Madaxda Wasaaradda oo kulanka joogtay.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha shacabka talooyinka ay warbixinta miisaaniyadda ku biiriyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullah oo dayuurad dagaal ka soo riday Israa’iil iyo Wararkii u dambeeyey Gaza

Caydiid Ali

Mid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo ka hadlay Guusha Ilhan Omar iyo Omar Fatah

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada Balad Xaawo iyo halka ay ku dambeeyeen Ciidankii Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---