Natiijada doorashadii Faransiiska oo la shaaciyey iyo Madaxweyne Macron oo.. (Sawirro)

Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa mar kale ku guuleystay Doorashadii dalkaas ka dhacday maanta Waxaana loo doortay mar labaad inuu Madaxweyne kabsii ahaado dalka Faransiiska.

Doorashada Faransiiska waa mid muhiim u ah Yurub, maalmahaan dhanna waa la hadal hayay, iyadoo haweeneyda la tartameysay Macron  ay balan qaaday inay ka hor tagi doonto awooda Midowga Yurub.

Madaxweyne Macron ayaa helay codad gaaraya %58.2,. halka haweeneyda xagjirka ah ee la tartameysay Marine Le Pen ay heshay %41.8

Doorashada ka hor, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka soo horjeestay qorshe ay musharraxa la tartameysa Marine Le Pen ku dooneysay in ay dumarka Muslimiinta ah uga mamnuucdo inay goobaha dadweynaha ku xirtaan xijaabka

Macron ayaa horey u sheegay in siyaasadaha Le Pen aysan ka duwaneyn kuwii xagjirka ahaa ee xibisbiga National Front (FN) ee uu aas-aasay aabeheed Jean-Marie.

Waxa uu sidoo kale muujiyay in uu yahay qof difaacaya xorriyadaha diimaha, isaga oo ku adkeystay in mamnuucid kasta oo xijaabka lagu sameeyo ay sharci ahaan ka dhigan tahay in la mamnuucay dhammaan calaamadaha diimaha sida kippa iyo is-tallaabta.

Macron ayaa qudhiisa horey ula kulmay dhaleeceyn uga timid Muslimiinta iyo madaxda dalalka Islaamka taasi oo ku saabsaneyd mowqifkiisa adag ee waxa ay dowladdu ugu yeerto Islaamiyiinta xagjirka ah.

 

- Advertisement -