Guudlaawe oo ka dalbaday Xildhibaanada Hirshabelle inay codka siiyaan Musharax uu wato (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay  kulan la qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee BJFS ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.
 
Madaxweynaha ayaa Mudanayaasha Aqalka Sare kala hadlay inay dadaal badan ku bixiyaan sidii uu Senator Cali Shacbaan Ibraahim ugu guuleysan lahaa doorashada tartanka Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
 
Cali Guudlaawe ayaa sheegay in sannadkan muhiim tahay in Hirshabelle ku guuleesato kursiga guddoomiye kuxigeenka koobaad ee Aqalka sare, waxa uuna ugu baaqay senatarada Hirshabelle in codkooda ku taageeraan Cali Shacbaan.
 
Doorashada guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka sare ayaa waxaa ku tartamaya labo senator oo kasoo kala jeeda Hirshabelle iyo Galmudug, waxa ayna labada dhinac iyo madaxdooda wadaan abaabul xooggan ay ku kasbanayaan codka senatarada codeenaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 
- Advertisement -