Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in dalka Galiyay Marxalad aan horey loo arag

Wasiirkii hore ee qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynte ayaa sheegay in Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo dalka galiyay Marxalad aan horey dalka usoo marin.

Waxa uu sheegay Ceynte in aysan horey u dhicin in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato iyadoo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo marxaladda kala guurka.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan Ceynte uga hadlay

Bismillah,

Maanta, dalkeennu wuxuu galay marxalad uusan waligiis hore usoo arag. Wali ma dhicin in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato iyadoo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo marxaladda kala guurka.

Waa cambaar kale oo abid ku summadeysnaan doonta taariikhda dalkeenna. Waxayna dhaawac ku tahay silsiladdii dimoqraadiga aheyd ee dib loo soo yagleelay 20 sano kahor. Masuuliyaddeeda koobaadna waxay ku dhaceysaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Sidoo kale, natiijada aan la oddorosi karin ee ka dhalata isku koolleynta madaxtinimada dalka waxaa dhabarka u ridan doona mudane Farmaaajo.

Taxanaha nabadeynta iyo dowlad dhiska dalkeennu wuxuu si habsami leh usoo socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaanna ku kalsoonahay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ka weecan doonin tubtaas toosan.

Wabillahi Towfiiq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada oo Jowhar gaaray iyo Warar kala duwan oo …

Cabdi Cade

Taliye ku-xigeenkii ciidanka dowlada federaalku geysay Baydhabo oo la dilay

Caydiid Ali

Xasan Sheekh ” Kuwa shiidka ka cabanaya waa kuwii Al Shabaab lacagaha u uruurin jiray”

Cabdi Cade
Taboola Ads ---