Deni oo hal arrin uga mahad celiyey Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha shacabka (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland ahna musharax u taagan doorashada Madaxweynaha DF Saciid C/llaahi Deni ayaa caawa kula kulmay magaalada Muqdisho guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka

“Waxaan caawa kulan la qaadanay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka JFS,  Cabdisalaam Xaaji Axmed (Dhabancad)” ayuu yiri Deni oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

“Guddoomiye Dhabancad iyo dhammaan Golaha Shacabka JFS, waxaan uga mahadcelinayaa shaqada baaxada leh ee ay Dalka u hayaan, Anigoo u rajeeyay alle u fududeeyo howsha hortaalla oo ay ugu horeyso Doorashadda Guddoonka Golaha Shacabka” ayuu intaas ku daray Deni

Madaxweynaha Puntland ahna musharax u taagan doorashada Madaxweynaha DF Saciid C/llaahi Deni oo ololihiisa doorashada ka bilaabay Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan oo la yeelanayo siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada.

 

 

- Advertisement -