Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarado duqeeyay xarun caafimaad oo kutaalla K/Sudan iyo Khasaaro ka dhashay

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib weerar lagu qaaday magaalo ku taalla Koonfurta Suudaan, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaal sukeeye dib uga qarxo dalka dunidda ugu yar.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn, ee  MSF,  ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay “si adag u cambaareyneyso weerar  loo geystay isbitaalkeeda Old Fangak maalintii Sabtida, waxa ayna sheegtay MSF  in weerarku uu burburiyay isbitaalkii iyo farmashigii ugu dambeeyay ee ka shaqeynayay waqooyiga dalka.

Mamman Mustapha, oo ah Madaxa Ergada MSF ee Koonfurta Suudaan, ayaa Aljazeera u sheegay isagoo ku sugan caasimadda Juba in kooxdiisu ay goobta ku soo warrameen “laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah oo weeraray isbitaalka”.

Mustapha waxa uu sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay duqeeyeen cisbitaalka iyo agabkii caafimaad ee yaalay, ka dibna “ay sii wateen duqeymaha magaalada Old Fangak”.

“Dadka rayidka ah waa ay qaxeen xaaladduna waa mid aad u xun oo masiibo ah … Aad ayaan uga naxnay isbitaalku wuxuu yaalay 10 sano, tan iyo 2014,” ayuu raaciyay hadalkiisa Mamman Mustapha.

Hadal kale oo MSF ay soo saartay ayaa lagu yiri, “Weerarku waxa uu billowday abaare 4:30am (02:30GMT) markii laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ay markii hore bam ku tuureen farmashiyaha MSF, oo ay ku gubeen dhulka, ka dibna ay rasaas ku fureen magaalada Old Fangak muddo 30 daqiiqo ah….

Weeraro dheeraad ah ayaa saacado kadib ka dhacay meel u dhow suuq ku yaal Old Fangak ,taasoo keentay argagax iyo barakac baahsan oo soo gaaray dadka rayidka ah, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka digtay in Koonfurta Suudaan oo ay hareeyeen xasillooni darro tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Suudaan sannadkii 2011-kii ay qarka u saaran tahay dagaal sokeeye oo mar kale ka qarxa.

Dalka ayaa bilihii la soo dhaafay galay colaad ka dib markii uu burburay heshiis awood qeybsi ah oo u dhaxeeyay jeneraalo iska soo horjeeda, madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad Riek Machar oo hadda xabsi ku jira.

Kiir iyo Machar ayaa kala matalaya labada qoomiyadood ee ugu badan Dinka iyo Nuer, siday u kala horreeyaan, kuwaas oo dagaal sokeeye dhex maray intii u dhaxaysay 2013 iyo 2018, kaas oo galaaftay nolosha 400,000 oo qof, ka hor intii aanu heshiis nabadeed 2018-kii labada hoggaamiye soo dhiseen dawlad midnimo qaran ah.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xariga Cabdirashiid Janan Ma Caddaaladbaa Mise Waa Culays Siyaasaddeed !!

Cabdi Cade

Sargaal loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiye Degmo oo katirsan G/Banaadir

Cabdi Cade

Dowlad Afrikaan ah oo ka carootay hadal uu Trump soo dhigay bartiisa Twitterka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---