Daawo Sawirro cusub oo laga soo qaaday Qaraxii Muqdisho iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Qarax aad u xoogan oo khasaaro kala duwan dhaliyay ayaa  barqadii maanta ka dhacay afaafka hore ee Maqaayada Baar Italia oo ku dhaw xarunta Ganacsiga Muqdisho Mall oo ku taala Suuqa Degmada Xamar Weyne.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa uuna gaariga ku qarxay goob mashquul badan ay joogeen dad badan sidoo kale ku yaaleen goobo ganacsi.

Dad ku dhaw 10-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad gaaraya 20-qof oo kale kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka Muqdisho.

Dadka dhintay waxaa ku jira kuwa dhismayaal kuyaala goobta ay kusoo dumeen, waxaana goobjoogaaal ku warameen in dadka qaraxa ku dhintay ay ku jiraan hooyo iyo wiil ay dhashay iyo sidoo kale dad kale oo gudaha maqaayada ku sugnaa.

Qaraxan xoogan ayaa khasaaro kala duwan gaarsiiyay dhismayaal iyo goobo ganacsi oo kuyaalay halka uu ka dhacay, waxa uuna qaraxan noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee sanadkan cusub ka dhaca Muqdisho.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa Warbaahinteeda ku daabacday in qaraxa lagu weeraray Baar kuyaala agagaarka xarunta maamulka Gobolka Banaadir ay ku sugnaayeen masuuliyiin , saraakiil iyo qaar kamid ah shaqaalaha dowlada.

Sargaal katirsan Al Shabaab ayaana sheegay in qaraxaasi waxyeelo kasoo gaartay saraakiil iyo masuuliyiin iyo shaqaale katirsan dowlada uu sheegay in ay ku sugnaayeen goobta qaraxa lagu weeraray.

Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa inta badan khasaaraha ugu badan waxa ay kasoo gaaraan dadka shacabka ah oon iyagu wax war ah u heyn goobaha qaraxyada iyo weerarada ka dhacayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -