Beri oo Isniin ah, waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, shirkan oo lagu waday in uu furmo 1-da bishan ayaa cilado farsamo awgeed u baaqday.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa wali mugdi ku jira qodobada looga hadli doono, waxa ayna u badan tahay shirkan in sidii caadada aheyd isugu yimaadaan Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamulada dowladda siyaasad ahaan taabacsan.
Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa horey u caddeeyay in aysan shirkan ka qeyb geli doonin, waxaana shirkan markii ugu horreysay ka qeyb galaya Madaxweynaha maamulka Khaatumo oo dowladda Federaalka u aqoonsatay maamul buuxa.
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, ayaa wada dedaalo uu madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland kaga dhaadhicinayo ka qaybgalka shirka madasha si meesha looga saaro kala maqnaanta madaxda DFS iyo maamulada dalka.
James Swam oo siyaabo kala duwan ula kulmay madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa ka codsaday in ay ka qeyb galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kuna soo bandhigaan shirkaasi aragtidooda iyo sidoo kale waxyaabaha ay diidan yihiin.
Xogo hoose ayaa sheegaya in James Swan uu Axmed Madoobe iyo Deni u sheegay inaysan doonayn kala qaybsanaan, wixii tabashooyin ahna miiska lagu dhammeeyo, maadaama uu dalku gelay marxalad siyaasadeed oo aad u adag iyo dagaalo ka dhan ah kooxaha nabaddiidka.
Madaxda Jubbaland iyo Puntland, ayaana dhankooda ku adkeesanaya in aysan ka qeyb gali doonin shirka Golaha Wadatashiga Qaran, inta la xalinayo tabashooyinka ay labadaasi maamul ka qabaan dowladda Federaalka , gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Maamulka Puntland, ayaana ka qeyb gelin inta badan shirarkii horey u dhacay ee golaha Wadatashiga Qaran, halka Madaxweynaha Jubbaland uu isaga baxay shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, waxa ayna Madaxda dowladda Federaalka, dhankooda Axmed Madoobe u aqoonsaneyn Madaxweyne rasmi ah.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com