Allbanaadir.com
NEWS

Khayre oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka & ku-xigeenadiisa (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku soo dhoweeyey Guddoonka Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Shiikh Muudey iyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawad waxay ku balameen in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Xafiiskeyga ayaan ku soo dhaweeyey guddoonka Golaha shacabka, Waxaan ku ballanay in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka,” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa loo doortay Mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan 30-ka bishii April ee aan ka soo gudubnay, Waxaana lagu wadaa inuu beri shir gudoomiyo kulankii ugu horeeyey ee golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaair.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Theresa May oo ka badbaaday Mooshin kalsooni kala noqosho ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti: Karka Maxaa Keenay? (Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade

(Sawirro) Khasaaraha qaraxyadii ka dhacay nawaaxiga isgoysyada Zoope oo sii kordhaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---