Guddiga soo xulaya shanta kursi ee ugu Dambeeya ee lagu dooranayo Ceel-Waaq oo la shaaciyay

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Jubbaland ayaa caawa shaaciyay Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xuleysa ergada soo dooraneysa shanta kursi ee ugu dambeeya ee lagu dooranayo Magaalada Ceel-Waaq.

Kuraastan la shaaciyay odayaasha iyo bulshada ergada soo xulaysa ayaa beri oo sabti ah lagu wadaa in lagu doorto magaalada Ceel-Waaq, kuraastan ayaana ah kuwa ugu dambeeya ee Jubbaland lagu dooranayo gaar ahaan Ceel-Waaq.

Magaalada Ceel-Waaq ayaa maanta lagu doortay ilaa 11-kursi oo kamid noqonaya xildhibaanada gollaha shacabka, waxaana xildhibaanada la doortay la filayaa in deg deg kusoo gaaraan Muqdisho si loo siiyo shahaado loona dhaariyo.

Doorashada ka socota magaalada Ceel-Waaq ayaa imaaneysa xilli madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ku tilmaamay sharci daro kuna baaqay in la hakiyo, hasa ahaatee guddiga doorashada ayaana doorashadan ku tilmaamay mid sharci ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -