Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo Faah Faahin ka bixiyay Qaraxii Ismiidaaminta ee lagu weeraray Hotel kuyaala Liido

Waxaa caawa qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux Qarax isku soo xiray lagu weeraray hotel cusub oo kuyaala xeebta Liido oo lagu magacaabo Pescatore sea Food , waxaana qaraxan  ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hotelka qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Sool iyo sidoo kale saraakiil uu ku jiro taliyaha ciidanka booliiska Jeneraal Xijaar.

Afhayeenka ciidanka booliiska oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu fuliyay qaraxii ka dhacay xeebta Liido, waxa uuna afhayeenka xusay in uusan jirin iska hor imaad hubeesan oo qaraxa kadib dhacay.

Waxa uu sheegay afhayeenka in qaraxa ku dhinteen saddex qof ay ku jiraan askar sidoo kale ku dhaawacmeen dad gaaraya sideed qof oo ku jiraan shacab ka agdhawaa goobta qaraxa ismiidaaminta uu ka dhacay.

Afhayeenka ayaa cadeeyay in aysan jirin wax khasaaro ah oo qaraxa kasoo gaaray masuuliyiintii ku sugnaa hotelka, waxa uuna xusay in ciidamada ammaanka ay badbaadiyeen shacabkii iyo dadkii kale ee halkaasi ku sugnaa.

Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ku jira sargaal xogheyn u ahaa taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Xijaar, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in qaraxa ku dhaawacmeen saraakiil uu ku jiro taliyaha saldhiga booliiska degmada Cabdicasiis.

Qaraxan ayaa dhacay caawa xilli ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmaha soo socda doorashooyin ka dhacayaan uu sii xumaanayo, waxaana isbuucan kaliya magaalada lagu dilay dad isugu jira shacab iyo dad dowladda u shaqeenayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Xafladii Dabaaldega 8da Janaayo ee caawa ka dhici laheyd Garoowe oo la baajiyey

Caydiid Ali

(Sawirro) Qoor-qoor oo ku laabtay Dhuusamareeb & xubno uu ka mid ahaa Jen. Mascuud oo..

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Berbera (Sawirro)

Cabdi Cade