Madaxdii ka qeyb gashay shirkii Dhuusamareeb oo loo sameeyey Xaflad sagootin ah (Sawirro)

Munaasabad sagootin ah ayaa xalay Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug loogu sameeyay Madaxda ka qayb gashay shirkii wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Dowlada Goboleedyada oo habeen hore la soo gebagebeeyey.

Waxaa munaasabadan ka qeyb galay ra’isul wasaaraha Somalia iyo dhamaan madaxda dowlad goboleedyada, iyadoo uusan ka qeyb gelin madaxweynaha Somalia oo weli magaaladaas ku sugan.

Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heeso iyo suugaan kale, waxaana khudbado ka jeediyey masuuliyiintii ka qeyb gashay qaarkood oo Galmudug ku amaanay sida wanaagsan ee ay u marti gelisay shirka.

War murtiyeedkii habeen hore ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in madaxda ay isla meel dhigeen in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay iyo in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Guddigaas wuxuu ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen madaxda.

Weli ma cadda xilliga guddigaas la magacaabayo iyo wakhtiga ay billaabayaan shaqadooda la xiriirta arrimaha doorashada oo xilligeedu uu soo dhowyahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in madaxda ay isku afgarteen in dib loogu noqdo maamul goboleedyada, si ay wadaatshi ay uga yeeshaan arrimaha doorashooyinka, isaguna uu ku laaban doonaa baarlamaankaa, “maadaama labada dhinac ay ku kala aragti duwan yihiin nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

- Advertisement -