Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Liido iyo Taliye Xijaar & Xildhibaano ku sugnaa Hotelka la weeraray oo…

Qarax xoogan loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay  ayaa caawa lagu weeraray hotel cusub oo kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana hotelka la weeraray ku sugnaa Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin.

Sida aan wararka ku heleyno hotelka qaraxa lagu weeararay ayaa waxaa shir ku lahaa qaar kamid ah Xildhibaanada cusub ee beesha Dhulbahante ku matalaya Baarlamaanka labada aqal, waxaana kulanka qeyb ka ahaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jen. Xijaar.

Qaraxa hotelka lagu weeraray kadib ayaa la maqlayay rasaas xoogan oo ka dhaceysa aaga hotelka la weeraray, walina si rasmi ah looma oga in rasaastaasi tahay iska hor imaad iyo mid ciidamada ammaanka ridayeen.

Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya iyo xildhibaanada ku sugnaa hotelka ayaa lasoo sheegayaa in ay ka badbaadeen qaraxa, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad kale oo shacab ah.

Ciidamo badan oo aad u hubeesan ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana mar qura dadkii ku sugnaa Xeebta Liido ku kala carareen , iyadoona hoteelo badan dadkii ku sugnaa ka firxadeen.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Baarista iyo xaqiijinta Dukumiintiyada dadka oo la barayo xubno katirsan …

Cabdi Cade

Nin Beeraley ah oo Eygiisa u ekeysiiyay sidii Shabeelka iyo Sababta keentay !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Dad shacab ah oo Dil iyo afduub maanta loogu geestay Laanta Buuro 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---