Ra’isul Wasaare Rooble oo la dardaarmay Guddoonka KMG ee labada aqal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay guddoomiyeyaasha KMG ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Saree ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Rooble iyo guddoomiyaasha KMG ee labada aqal ayaa kulankooda waxa ay uga  wada hadlleen sidii loo dardargalin lahaa dhammeystirka dhammeystirka doorashooyinka gaar ahaan guddoonka Labada Aqal.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay guddoomiyaha KMG ee labada aqal in waqtiga haray uu aad u yar yahay, waxa uuna kula dardaarmay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen dardargelinta doorashada.

Kulankan ayaa imaanaya xilli shalay la dhaariyay ku dhawaad 300-oo xildhibaan, waxaana la filayaa in xildhibaanada kulamadooda caadiga ah yeeshaan una diyaar garoobaan doorashada guddoonka labada aqal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -