Booliska Somalia oo ka hadlay xariga haweeney fal argagax ka geysatay Muqdisho

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe ayaa shaaca ka qaaday iney xabsiga dhigeen haweeney Muuqaalkeeda lagu faafiyey baraha, taasoo xad gudub kula kaceysay ilmo yar oo la sheegay ineysan iyadu dhalin balse la nooleyd.

Haweeneydan oo ah qof miisaan culus ayaa ka soo muuqatay iyadoo si foorar ah ugu fadhisa isla markaana si xun u garaaceysa gabadha yar oo da’deeda lagu qiyaasay 9 sano jir, waxaana muuqaalkaas ka duubay dadka deriska oo u adkeysan waayey dhibaato joogto ah oo ay sheegeen in haweeneydaas ay ku heysay gabadha yar.

Ficilka ay ku kacday haweeneydan ayaa waxaa si weyn uga carooday, kagana damqaday dadweyne fara badan oo ka daawaday baraha bulshada, kuwaasoo ku baaqay in talaabo laga qaado haweeneydan.

Saadiq Doodishe afhayeenka Booliska ayaa sheegay in haweeneydan ay haatan ku xiran tahay xarunta CID, ayna shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan natiijada baaritaanka dhacdadaasi la xiriira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -