Laascaanood oo Maalintii 7aad laga maqlayo daryanka Madaafiic iyo tacshiirad culus

Rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa saaka laga maqlayaa Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasoo ay maalintii 7aad ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC.

Dagaalka xoogiisa ayaa weli ka socda duleedyada Magaalada, iyadoo ciidamada Somailand ay weli isku dayayaan iney Magaalada Laascanood dib u qabsadaan inkastoo ay iska caabin adag kala kulmayaan xoogaga degaanka ee SSC.

Wararka ayaa sheegaya in Laascaanood ay xalay la kulantay duqeyntii ugu xumeyd tan iyo markii uu bilowday dagaalka, waxaana madaafiicdaas oo socday muddo saacado ah ay sababeen inuu dab qabsado dhismeyaal ku yaalla magaalada.

Weli lama oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeynta culus ee xalay ay marti gelisay magaalada Laascaanood, marka laga yimaado burburka xoogan ee ay u geysteen xaafadaha iyo dhismayaasha kale.

Ugu yaraan 70 qof  oo ay ku jiraan shacab ayaa ku naf waayey dagaalka todobada cisho ka sii socda magaalada Laaascaanood halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 boqol oo kale sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka, waxaana la rumeysan yahay in khasaaraha nafeed uu intaas ka badan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -