Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo shaaciyay in xilka wareejiyay kana hadlay Sababta uusan u dhaaran

 Taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo kamid noqday xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa shaaciyay in uu wareejiyay xilka taliyaha , isagoo sidoo kale ka hadlay sababta uusan shalay u dhaaran.

Jeneraal Mahad oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay warar been abuur ah uu sheegay in laga faafiyay, waxa uuna xusay in uu qaatay shahaadada xildhibaanimo aysana jirin cid kahor istaagtay in shahaadada qaato sidoo kale dhaarto.

Waxa uu sheegay in been tahay in isaga iyo taliyaasha kale aan dhaaran uu Madaxweyne Farmaajo kahor istaagay,waxa uuna cadeeyay in dhaarta Xildhibaanimada uu dhaaran doono waqtigeeda.

“Waxaa la yiri shahaadadii ma qaadan oo waxaa u diiday Farmaajo, taasi waa been laba shahaado ayaan weliba wataa, tan federaalka iyo tii maamulka la isaga soo doortay uu i siiyey, dhaarta in lagu dhaqmo aan la rebin ee la boobaayana diyaar ayaan u ahay, waqtigeeda ayaan dhaaranaa,” ayuu yiri Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta

Taliyihii ciidanka asluubta ayaa sheegay in uu ogsoon yahay in aysan isqaadan karin kursiga Xildhibaanimo ee loo doortay iyo booska taliyaha asluubta uu horey u hayay, waxa uuna sheegay in taliyaha uuba horey ugu wareejiyay kuxigeenkiisa.

Hadalka kasoo yeeray Jeneraal Mahad ayaa imaanaya xilli shalay munaasabadii dhaarinta Xildhibaanada ka maqnaayeen isaga iyo saraakiil kale uu ku jiro taliyaha KMG ee NISA kuwaa oo qaatay shahaadada xildhibaanimo balse aan dhaaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -