Midowga Murashaxiinta oo Saddex tallo oo Muhiim ah siiyay Ciidanka Xoogga dalka

Gollaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  ugu hambalyeyay munaasabadda aasaaskooda oo ku beegan 12-ka April oo ku beegan maalinta beri oo isniin ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa cadeeyay in xuska 12- ka April uu yahay maalin weyn oo qaran, balse aysan aqbali karin in ciidanka xoogga loo adeegsado dano siyaasadeed, sida uu horay ugu kacay Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka xoogga dalka ku eedeeyeen in uu ku weearray  madax hore, siyaasiyiin, maamullo iyo golaha intaba.

Midowga Musharaxiinta ayaa cadeeyay in aan marnaba la aqbali karin in ciidamada loo adeegsado dano siyaasadeed, waxa ay sidoo kale ku baaqeen in lacagta lagu bixinayo xuska maalintan dadka lagu taakuleeyo sidoo kale dadka aan laga xirin waddooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -