Beesha Caalamka oo Caawa war kasoo saartay Xiisada Siyaasadeed ee dalka kusoo korortay

War Qoraal ah oo si wadajir ah uga soo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub,  Itoobiya, Talyaaniga, Iswidhan, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay ka wel welsan yihiin xiisada siyaasadeed ee dalka kasoo cusboonaatay

Beesha caalamku waxay ku boorineysaa hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in ay ixtiraamaan xukunka sharciga iyo Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah ee xalinta khilaafaadka siyaasadeed.

Qoraal kasoo baxay beesha Caalamka ayaa sidoo kale loogu baaqay dhinacyada siyaasada isaga soo horjeeda in ay ka fogaadan xiisadaha Siyaasadeed ee keeni kara rabshadaha iyo dib u dhaca.

Beesha caalamka waxay ku boorrineysaa hoggaamiyayaasha Baarlamaanka iyo Fulinta in ay ka qayb galaan doodo ixtiraam leh maalmaha soo socda iyo in la isticmaalo habab dastuuri ah oo nabad ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed.

Warkan kasoo baxa Beesha caalamka ayaa kusoo aadaya xili uu sii xoogeestay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -