Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuurad dagaal oo mar kale weerartay dhismeyaal ku yaalla Moosko (Sawirro)

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa mar kale weeraray magaalada Moscow, markii labaad saddex maalmo gudahood.

Duqeynta ayaa lagu garaacay dhismo ku yaalla xaafadda ganacsiga ee magaalada Moscow, iyadoo Kremlin-ka uu sheegay in ay iska caddahay in khatar ay jirto

Shaqaalaha wasaaradda horumarinta Ruushka, oo ka shaqaynayay daarta dheer ee la weeraray, ayaa hadda loo sheegay inay ka shaqeeyaan gurigooda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhismaha la weeraray ayaa waxaa loo yaqaanaa IQ quarter, kaasoo ay ku yaallaan wasaaradda horumarinta dhaqaalaha, wasaaradda Tiknoloojiyadda iyo wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga. Wejiga muraayadda dhismaha ayaa burbur soo gaaray, balse lama soo sheegin wax dhaawac ah.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa dhacdadan ku tilmaantay mid “Weerar Argagixiso ah” oo laga soo qaaday dalka Ukraine. Kyiv inta badan wax faallo ah kama soo bixiso weerarradan oo kale.

Related posts

RW Rooble oo xariga ka jaray Dugsiga agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo Howlgal qorsheesan ku dilay Aadan Yuusuf Abuu Salmaan 

Cabdi Cade

Daawo:-Xildhibaano bilaabay qorshe ka dhan ah RW cusub & C/raxmaan C/shakuur & Xassan Shiikh oo..

Caydiid Ali