Ra’isul Wasaare Rooble oo arrimo muhiim ah kala hadlay Wakiilada Beesha Caalamka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka.

Rooble iyo wakiilada beesha caalamka ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan.

Kulanka ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan gaar ahaan khilaafka ka dhashay dhaarinta Xildhibaanada iyo eryada wakiilkii Midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay wakiiladda beesha caalamka in aysan raali ka noqoneyn in la faragaliyo siyaasadda arrimaha guddaha Soomaaliya.

- Advertisement -