Laftagareen iyo Qoor-qoor oo ka qeyb galay shir Wadatashi ah oo Baydhabo ka socda (Sawirro)

Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Abdi Kaariye Qoor-qoor ayaa ka qeybgalay Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka oo Maalmahan Baydhabo ka socday.

Shirkan wadatashiga ayaa u dhaxeeyay Xildhibaanada Dooran labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga soo doortay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Shirkan wadatashiga ee u socday Xildhibaanada labada Aqal ee Koonfur Galbeed ayaa dirada lagu saarayey Caqabadaha kuso Cusboonaaday Hanaanka Doorashooyinka Dalka gaar ahaan saddexda Xildhibaan ee ku dhageen guddiga doorashada.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa intooda badan ku sugan magaalada Baydhabo, waxa ayna xildhibaanadan qaateen ammarkii Madaxweyne Laftagareen ee ahaa in aysan tegin Muqdisho sidoo kale qaadan Shahaadada Xildhibaanimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -