Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay sharciga caalamiga ah ee DF Somalia ay ku saxiixday dalka Azerbaijan?

Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Baku ee dalka Azerbaijan ku saxiixey sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiiru-dawlaha ayaa ka qeybgalay kalfadhigga ururka, kaasoo looga hadlaayey meelmarinta sharciga ee xarun loogu talagalay shaqo abuurka iyo ilaalinta bulshada ee dawladaha ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka

Xaruntan ayaa ujeedkeedu yahay in ay wax badan ka qabato caqabadaha shaqo la’aanta dhalinyarada iyo sidii dhalinyarada loo siin lahaa tababaro la xiriira suuqa shaqada si ay u horumariyaan xirfadahooda shaqo.

Dawlada Soomaaliya guul-weyn ayay u tahay in ay saxiixdo sharciga xaruntaan oo muhiimad  u leh qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Illaa hadda 16 dal oo kamid ah ururka Iskaashiga Islaamka ayaa saxiixay sharciga xaruntaan,waxaana dalalkaasi ka qeybgalaya kalfadhigga ururka ee ka dhacay Azerbaijan kamid ah Ciraaq, Falastiin, Burkino-Faso, Uzbekistan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Related posts

Malaayiin Lacag ah oo lagu qoray Erey Khalad ah iyo Go’aan laga soo saaray

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Dowladaha Soomaaliya iyo Britain oo kala saxiixday heshiis cusub

Caydiid Ali

Wadahadaladii xabad joojinta Gaza ee ka socday Qaahira oo guul daro ku dhamaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---