(Akhriso) Fahad Yaasiin oo dacwad ka dhan ah Guddiga FEIT u gudbiyey Maxkamada Sare

La-taliyaha amaanka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dacwad ka dhan ah guddiga doorashada heer federaal ee FEIT u gudbiyey Maxkamada sare ee dalka.

Fahad ayaa ku eedeynaya guddiga FEIT iney so sharci daro ah u laaleen natiijada kursigiisa, isagoo Maxkamada sare ka dalbaday iney go’aan ka soo saarto arrintaas.

Guddiga doorashada heer federaal ee FEIT ayaa dhowaan dib u celiyey dhowaan afar kursi oo uu ku jiro Kursiga HOP086 oo loo doortay Fahad Yaasiin, iyagoo sheegaya inaan la marin habraacii saxda ahaa.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA DACWADA FAHAD YAASIIN..

- Advertisement -