Dayuurad ay leeyihiin ciidanka Israel oo dhulka la soo dhigay & Wararkii ugu danbeeyey

Kooxda Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahannadeeda ay koonfurta Lebanon ku soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn (Drone), oo ay lahayd Israel.

Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay inay “hub ku habboon” u adeegsatay soo ridista diyaaradda, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayso.

Militariga Israel ayaa sidoo kale ku warramay in mid ka mid ah diyaaradahooda drone-ka lagu soo riday isla aagaas, hase yeeshee ma aysan shaacin waxa sababay.

Israel waxa ay sheegtay inay ahayd “diyaarad iska fudud”, islamarkaana aysan jirin wax walaac ah oo ku saabsan in xog muhiim ah laga helo.

Hoggaamiyaha Xizbullah, Xassan Nasrallah ayaa bishii tagtay ka digay in dagaal-yahannadiisa ay weerari doonaan diyaarad kasta oo Israel ay leedahay oo soo gasha hawada Lebanon.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii Xizbullah iyo ciidamada Israel ay markii ugu horreysay muddo sanado ah is-weydaarsadeen rasaas kadib markii Xizbullah ay gantaallada lidka taankiyada ku weeraray Israel, iyadoo Israal-na ay ku jawaabtay gantaallo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -