Ra’isul Wasaare Imran Khan oo xilka laga tuuray shirqool Mareykanka maleegay

Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa xilka laga qaaday kaddib markii uu lumiyay codka kalsoonida, waxaana fadhi ay yeesheen Baarlamaanka codka kalsoonida kala noqdeen xukuumadda uu hoggaamiyo Imran Khan.

Xildhibaanada xisbiyada mucaaradka ayaa Baarlamaanka horgeeyay mooshin ka dhan ahaa Ra’isul Wasaare Imran Khan, waxaana moosinkaasi taageeray oo qeyb ka noqday xildhibaano katirsanaa xisbiga Ra’isul Wasaaraha.

Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa sidoo kale la filayaa in sabtida fadhi degdeg ah yeeshaan ayna doortaan Ra’isul Wasaarihii badeli lahaa Ra’isul Wasaare Imran Khan oo lumiyay codka kalsoonida ee Baarlamaanka.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn Pakistan ninka lagu magacaabo Shehbaz Shariif ayaa loo badinayaa in loo doorto Ra’isul Wasaaraha cusub ee Pakistan, ninkan ayaana la dhashay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi Newaz Shariif..

Ra’isul Wasaaraha xilka laga tuuray ee Imran Khan ayaa sheegay inuusan aqoonsan doonin dowlad mucaarad ah, isaga oo ku doodaya tallaabbada baarlamaanka uu codka ugu diiday in ay tahay Shirqool uu Mareykanka hoggaaminayo oo isaga ka dhan ah.

Mareykanka oo ka carrooday booqasho uu Imran Khan ku tagay Ruushka, Mareykanka ayaana la sheegay in hoos ka maleegay qorshahan xilka looga tuuray Ra’isul Wasaaraha Pakistan oo taageero u muujiyay Ruushka dhagahana ka fureestay reer Galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -