Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo 12 sano ka dib loo dhaariyey Ra’isul Wasaare cusub & Netanyahu oo..

Baarlamanka Israa’iil ayaa aya u codeeyay xukuumad wadaag ah oo cusub taasoo soo afjaraysa ololihii Benjamin Netanyahu uu mar kale ku doonayay xilka ra’iisul wasaaraha dalkaas.

Sida uu dhigayo heshiiska awood qeybsiga, wasiirkii hore ee difaaca dalkaas Naftali Bennett, oo ka tirsan xisbiga Yamina ayaa labo sano noqon doona ra’iisul wasaaraha Israa’iil kaasoo goor dhow xilka loo dhaariyey.

Isbaheysigan ayaa waxaa isku keenay siyaasiga Yair Lapid, iyadoo ay qeyb ka yihiin xisbiyada, bidix, midig iyo weliba sidoo kale xisbiga dhexe.

Mr Netanyahu, ayaa sawir isaga oo uu ka soo hor muuqdo calanka Israa’iil oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku soo qoray, waad mahadsan tahay, waana ku jeclahay.

Benjamin Netanyahu ayaa xilka xilka ra’iisul wasaaraha dalkaas soo hayey 12kii sano ee la soo dhaafay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/HuYKuiD2o4o

Related posts

Ciidamada Yuhuuda oo gabar Falastiiniyad 17 jir ah u xiray sabab yaab leh

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo laashay dacwad ay ku soo oogtay Wasiir ka tirsan Jubbaland (Akhriso)

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo ka hadlay Go’aankii shalay kasoo baxay Midowga Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---