Doorashada Kursi loo xiray Musharax Madaxweyne oo Maanta dhaceysa (Sawirro)

Waxaa maanta oo axad ah lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ka dhacdo doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#140, doorashada kursigan ayaana ah mid aan daah furneyn.

Kursigan doorashadiisa maanta ka dhaceyso magaalada Jowhar waxaa sannadihii lasoo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo mar kale kursigan loo xiray lana filayo in uu kusoo baxo.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa doorashada kursigan u diiwaangeliyay in ay ku tartamaan musharax Cabduqaadir Cosoble Cali iyo musharax kale oo malxiis ah oo lagu magacaabo Cabdikariin Cilmi Tifoow.

Musharax Madaxweyne Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa dadaal badan ku bixiyay in kursigan uu ku fadhiyay aan la furin doorashadiisa loona xiro si uu mar kale beesha iska leh kursigaasi kusii matalo.

Dad badan ayaa rejo ka qabay in doorashada xildhibaanada Hirshabelle kasoo jeeda ee ka dhaceysa magaalada Jowhar ay noqoto mid furan sida doorashooyinkii ka dhacay magaalada Baledweyne oo si daah furan intooda badan loogu tartamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -