Dowlada Somalia oo ka hadashay Geeridii ku timid Dr Saalax Cabdalla Cumar

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda ee Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ka tacsiyeesay geeridii ku timid Dr Saalax Cabdalla Cumar oo kamid ahaa dhaqtar caan ku ahaa daaweynta Cudurada Haweenka.

Waxa ay sheegtay Wasiirada in ay ka naxday geerida Dhaqtarta ayna tacsi u dirayo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay, waxa ayna sheegtay Wasiirad Fowsiya in dhaqtarka uu ahaa laf dhabar muhiim ah oo bulshada ka baxay waxbadana usoo shaqeeyay dalka iyo dadka.

Halkan ka Akhriso qaar kamid ah Waxqabadkii Dr Saalax Cabdalla

Wuxuu waxbarasho heer takhasus ah ku soo qaatay dalka gudahiisa iyo dalal kala duwan ee Dibadda sida USA,Talyaaniga, Wadamada carabta,isagoo ku takhasusay Cudurada Haweenka iyo Dhalmada, oo u ku shaqeynayey in ka badan 38 Sano.

Wuxuu ka soo shaqeeyey dhammaan Gobollada Dalka iyo wadamo Dibadda ah.

Wuxuu ahaaTakhtar ku caanbaxay Samafalka gaar ahaan wax u qabashada iyo Daryeelka Haweenka iyo qoysaska danyarta ah, asagoo maalinkasta oo Arbaca ah ku sameyn jiray Isbitaalka Banadir Qalliimo lacag La’aan ah.

Burburkii kadib wuxuu wax qabadkiisu u badnaa Xeryaha Barakacayaasha iyo Xaafadaha iskuraranka ah ee Magaalada Muqdisho hareeraheeda kuyaalla.

Wuxuu Gobollada kala duwan ee dalka u aadijiray olole Daryeeleela xiriira Caafimaadka haweenka Xaaladooda Adagtahay iyo kuwa danyarta ah.

Wuxuu Bare sare ka ahaa Kulliyadaha caafimaadka ee Jaamacadaha kala duwan ee dalka,asagoo ka dhigijiray maadooyinka dhalmada iyo Cudurada haweenka

Wuxuu ahaa khabiir ku caanbaxay Qaliimada Cudurada haweenka soonasaaray dakhaatiir badan oo aqoon u leh Takhasuskaas.

Wuxuu ka mid ahaa barayaasha sare ee Wasaaradda Caafimaadka u qaabilsan Tababarka xaaladaha deg-deggaah ee dhalmada, wuxuuna wax ka dejiyey Manhajka Tababarka Takhasuska eeTakhaatiirta da’dayarta ah ee la tacaalidda xaaladaha degdegga ah ee dhalmada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -