Gaari waxyaabaha qarxa waday oo la burburiyay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Ciidamada Daraawiishta maamulka Galmudug ayaa howlgal gaar ah ay ka fuliyeen degaanka Godyaanyo ee kuyaala Koonfurta Gobolka Mudug waxa ay ku burburiyeen gaari ay ku rarnaayeen waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in xog ay ka heleen dadka deegaanka  u sahashay in ay weeraraan deegaanka Godyaanyo oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidamada Galmudug in howlgalkaasi ku burburiyeen gaari Al Shabaab qaraxyo kusoo rareen sidoo kale ay ku dileen dagaalyahanadii Al Shabaab ee la socday gaarigaasi.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in uu dhax maray iska hor imaad dhaliyay khasaaro, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadkaasi.

Al Shabaab ayaan dhankooda wax war ah kasoo saarin dagaalkan ka dhacay gobolka Mudug, waxa uuna imaanayaa dagaalkan xilli maalmo kahor deegaano katirsan gobolka Mudug sidaan oo kale ugu dagaalameen ciidamada Galmudug iyo kuwa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -